
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kafaalo-qaad nololeed iyo taageero mustaqbalka waxbarasho ah ugu yaboohay Caa’isha Aadan Ugaas, oo ku guuleysatay kaalinta koowaad ee imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.

Guddoomiye Dr. Muungaab, oo maanta la kulmay Caa’isha Aadan Ugaas iyo hooyadeed ayaa u fidiyay deeq waxbarasho oo dhammaystiran oo dalka gudihiisa lagu bixinayo, abaal-marin lacageed, billad sharaf iyo kafaalo-qaad nololeed.
“Waxa aan dhiirigelinayaa dedaalka iyo dhabar-adaygga Caa’isha iyo ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha. Waxaa naga go’an in aan taageerno sidii loo horumarin lahaa nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha u halgamaya waxbarashada” ayuu yiri Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Caa’isha Aadan Ugaas iyo hooyadeed Nadiifa Axmed Rooble, ayaa iyaguna ka mahadceliyey taageerada iyo deeqda waxbarasho ee uu ugu yaboohay Guddoomiye Muungaab.
Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sidoo kale xusay in guusha Caa’isha ay tahay tusaale dhiirrigelin u ah bulshada, gaar ahaan gabdhaha, isla markaana ay muhiim tahay in la siiyo fursado ay ku horumariyaan xirfadooda iyo noloshooda mustaqbalka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag