October 7, 2025

Guddomiyaha Midowga Afrika oo guddi dhex dhexaadin ah u diraya Koofurta Sudan

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Maxamuud Yuusuf Cali ayaa ka hadlay     wadahadallo toos ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan Salva Kiir,  Asigoo ka wareeystay xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Koonfurta Suudaan iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Naasir.

 Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in Midowga Afrika ay sheegay in ay ka go’an tahay wadahadal, dib u heshiisiin, iyo nabad waarta.Isagoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dowladda iyo dadka Koonfurta Suudaan,

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga afrika  Waxa uu u diraya  wafdi heer sare ah oo ka tirsan  Midowga Afrika si ay ula xiriiraan dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo qaboojiyo xiisadaha loona horumariyo wada-hadallada.

Dhanka  kale Ururka Midowga afrika  ayaa ugu baaqayaan  dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan nabad galyada iyo xasiloonida dalka.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*