
Guddoomiyaha Degmada Awdhiigle Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Liibaan Cabdulqaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal saakay ‘AlShabaab’ ay ku soo qaadday Degmada Awdheegle.

Gudoomiye Liibaan ayaa sheegay in dagaalka uu aad u xoogganaa isla markaana khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ‘AlShabaab’ waxaana uu intaas ku daray in isaga iyo mas’uuliyiin kale ay bannaanka uga baxeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelah Hoose.
- Sidoo kale Ciidamada ammaanka ee Degmada Awdheegle ayaa difaac kala hortagay xubnihii ‘AlShabaab’ ee duullaanka kusoo qaaday waxaana uu tilmaamay in ay kahortageen in ay gudaha u soo galaan .
“Khawaariijta ayaa weerar kusoo qaadday Degmada Awdheegle, ciidamada Geesiyaasha ah ayaa kahortagay oo khasaara xooggan gaarsiiyay, aniga waxa aan isaga baxay Magaalada oo dagaal culus ka socda” Ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Awdheegle.
Dhanka kale Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo ay Dowladda Federaalka Somaliya Iyo Maamul Goboleedka K/Galebeeb ayaa sheegay in Ciidamada ay xoojiyeen amniga goobaha ay gacanta ku hayaan.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag