October 7, 2025

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Oo Meel mariyay Ajdendayaasha Kalfadhiga 7-aad ee furmaya

Kulanka Banbaxa ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Muqdisho ayaa maanta lasoo gaba gabeeyay, waxaana kulanka maalmihii uu socday looga hadlayay dejinta shuruucda Golaha ee Kalfadhiga todobaad.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa maalmihii kulankooda uu socday waxay uga doodeen shuruucdii kasoo gudubtay kalfadhigii lixaad oo isugu jira kuwa golaha horyaala iyo kuwa ay gacanta ku hayaan guddiyadda golaha shacabka iyo sidoo kale kuwo cusub oo ay Xukuumadda usoo gudbisay Golaha Shacabka.

Sidoo kale kulanka Banbaxa ee Guddiga joogtada ayaa looga hadlay jadwaleynta shuruucda kalfadhiga todobaad gaar ahaan kuwa horutebinta u leh horumarka dowladnimo ee dalka, waxaana xubnaha guddiga joogtada ay meelmariyeen iskuna raaceen Ajdendayaasha hortabinta u leh kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada uga mahadceliyay doodihii miradhalka ahaa ee maalmihii kulanka uu socday iyo sida ay muhiimadda u siiyeen dejinta shuruucda Golaha ee Kalfadhiga todobaad iyaga oo waliba mudnaanta siinaya sida ay u kala horreeyaan, waxaana uu kula dardaarmay in kalfadhiga todobaad ee dhowaan furmaya xooga la saaro ka shaqeynta shuruucda ay faa’iidada ugu jirto Dowladnimadeena.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*