October 7, 2025

Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiis Is afgarad oo ay wada saxiixdeen, Soomaaliya, Qatar, Urdun iyo Pakistan

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Kulanka golaha, oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagaga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*