
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furmaya xarunata Villa Hargeysa ee Muqdisho, kaddib muddo kooban oo hakad ku jiray, taasoo ka dhalatay muran siyaasadeed oo sababay in xildhibaano laga joojiyo ka qeybgalka kulamada.

Ayadoo Xal laga gaaray arrintaas waxaan dib loo fasaxay 24 xildhibaan,oo laga joojijiyay Kulanka Baarlamaanka oo ay ku jiraan xubno mucaarad ah iyo wasiirro, dib loogu fasaxo ka qeybgalka kulamada Golaha shacabka.
Xildhibaanadan ayaa horay looga hakiyay ka qeybgalka sababo la xiriira khilaafyo siyaasadeed iyo mooshinno la xiriira hoggaanka Golaha Shacabka.
Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa weli ku adkeysanaya mooshinkii ay horey ugu gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Mooshinkaasi ayaa la sheegay inuu salka ku hayo eedeymo la xiriira hannaanka hoggaaminta golaha.
Inkastoo Wararka la helayo ayaa sheegaya in xaaladda weli cakiran tahay, iyadoo laga war sugayo sida Guddoonka Golaha uga jawaabayo mooshinka iyo saamaynta uu yeelan karo khilaafka siyaasadeed ee socda.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag