October 11, 2025

Golaha Shacabka oo Ansixiyey Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, ka dib markii ay horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Fadhiga maanta ayaa waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe.

Inta badan xildhibaannada ka qaybgalay codbixinta ayaa si buuxda ugu codeeyay ansixinta guddigan, iyadoo tiro yar ay diideen ama ka aamuseen.
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa sheegtay in guddigan uu door weyn ka ciyaari doono ilaalinta xuquuqda aadanaha, dabagalka tacadiyada, iyo la socodka waajibaadka dawladdu ka leedahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Wasiirka Wasaaradda, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo guddiga horgeysay Golaha, ayaa tiri:
“Tani waa tallaabo muhiim ah oo dalka ku soo celinaysa madax-bannaanida iyo waajibaadka qaran ee arrimaha xuquuqul insaanka, kaddib muddo soddon sano ka badan oo Soomaaliya aysan lahayn hay’ad madax-bannaan oo arrintan u xilsaaran.”

Guddigan cusub ayaa lagu wadaa inuu noqdo hay’ad u madax bannaan dowladda, kana shaqeysa ilaalinta, dhiirrigelinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha gudaha dalka, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*