January 15, 2026

Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika Iyo Boliska Oo Halkaasi Tagay

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed  deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo Xeebeedka Cape town.

Allah u naxariiste muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qaasin Cabdi Xasan oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqa tagay.Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka  Koonfur Afrika ayaa marxuumka ku dhex toogtay gudaha goobtiisa ganacsi oo ku taalay deegaanka Philipi oo ka mid ah deegaanada ugu halista badan ee lagu dilo ganacsatada Soomaalida.

Dilka marxuumka kadib ciidamo ka tirsan Booliiska Koofur Afrika ayaa tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana halkaasi ay samyeen baaritaano la xiriira falkaas, Hase ahaatee Cid lama soo qaban dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Marka la gaaro dhamaadka sanad walba waxaa si aad ah u kordha dilalka iyo boobka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika, maadama burcadu ay doonayaan dhaqaalo ay ku tamashleeyaan, taasina waxay keenta in muwaadiniin badan oo Soomaali ah ku waayaan dalkaas naftooda iyo maalkooda.

 

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*