October 7, 2025

EX Madaxweeyne Farmaajo Oo Yiri “Shirka Ka Dhacay Muqdisho Waa Mid ……..

Madaxweynihii hore ee Somalia Farmaajo ayaa kahadlay aragtidiisa ku aadan kulankii Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Shiikh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan wax ka bedelka dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka qof iyo cod.

Shirka u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hoggaanka Mucaaradka ayaa la isku afgartay oo la isku raacay in laga wada hadlo illaa afar qodobo oo kala ah:-

1- Adkeynta Midnimada dalka,

2- Hannaanka Dib u eegista Dastuurka

3- Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada

4- Hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay.

Shirka ayaa lagu balamay in dib la isugu soo laabto maalmaha xoriyadda kaddib oo shirku dib u furmo 3 bisha July.

WAR SAXAAFADEEDKA EX MADAXWEEYNE FARMAAJO.

War saxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada JFS, kaddib kulankii dhexmaray qaar kamid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu noqon karaa bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka  doorashada dalka, waxaana soo  dhaweynaynaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay in dhexda la dhigo arrimaha masiiriga ah ee la isku diidanaa.

Waxaan sidoo kale markale hoosta ka xariiqaynaa kuna baaqaynaa in Dastuurka KMG ah ee ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay sanadkii 2012-kii uu yahay tiirka isku haya dalka, sidaa darteedna wadahadal kasta oo dhacaya waxaa lagama maar-maan ah in  Dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*