
Wararka laga helayo Duleedka Deegaanka Ceelbacad ee G/SH/DHEXE ayaa sheegaya in Duqeeyn ay halkaasi ka dhacday waxaana lagu fuliyay saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin duleedka degaanka Ceel-Bacad ee gobolka SHabeelada Dhexe.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu khaarijiyay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysanayay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta ay si gaar ah lala beegsanayay godadka ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan gobolka Shabeelada Dhexe.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag