October 7, 2025

Duqeyn Ka Dhacday Buuraleyda Calmiskaat Iyo Warar laga Helayo

Wararka laga helayo Taliska Ciidamada Puntland ayaa sheegaya in Duqeyn diyaaradeed  xalay lala beegsaday Saldhiga ugu weyn ee Kooxda argagixisada Daacish ku lahayd Soomaaliya,gaar ahaana Buuraleyda Calmiskaat oo ah deegaanka Miraale, waxaana fuliyey dawladda Imaaraatka Carabta oo ah saaxiibka Puntland ee ku taageeray gulufka Calmiskaat.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 20 kamid ahaa kooxdan Argagixiso duqeyntan lagu dilay, 24kii saac lasoo dhaafay Dhadaar iyo Miiraale ayay ka firxanayeen argagixisada, iyagoo u diga rogtay dhanka Ceelka WANGABLE oo ka tirsan degmada Qandala una jira masaafo dhan 25KM.

Sidoo kale Wajiga 2aad ee Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Calmiskaat ayaa kusii siqaya dhammaad, iyadoo kan 3aad lagali doono oo sifeynta cadowga.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*