January 15, 2026

Duqeyn culus oo lagu beegsaday goob joogeyn Al Shabaab

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka , ayaa duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Al Shabaab  ayaa ka fuliyay  duleedka  magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

“Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay meel qiyaastii 40 meel waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, si loo beegsado maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri war lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Sonna.

Duqeyntan ayaa dowlada Soomaaliya ku sheegtay in ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda maleeshiyaadka ah ee Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celisay howlgalka AFRICOM, si ay ciidanka Qaranka Soomaaliya uga garabsiinayaan weerarada dhinaca cirka ah ee lala beegsado kooxda Al Shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*