October 7, 2025

Duqeymo iyo dagaal Xoogan Oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee G/Hiiraan

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Wararka laga Helayo Degaanka Abooreey ee G/Hiiraan ayaa sheegaya in Duqeymo xooggan ay dhaceen kuwaas oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

Goobjoogayaal  ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay bartilmaameedsadeen fariisimo muhiim ah oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay weeraradaas.

Duqeynta ka hor Dagaal culus oo socday saacado badan ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Aboorey, iyadoo ay iska horimaadyo toos ah dhexmareen ciidanka milateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa howlgallo ballaaran ka wada tuullooyinka hoos yimaada Aboorey, si ay u adkeeyaan gacan ku haynta deegaankan muhiimka ah oo istaraatiiji u ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Duqeynta ayaa la sheegay in si gaar ah lala beegsaday godad waa weyn oo maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka qoteen deegaanka.

Goobaha la duqeeyay ee godadka ay ka qoteen ayaa waxaa ka mid ah agagaarka Taalada Deegaanka Aboorey, waxaana jiro xubno badan lagu gubay godadka ay ku jireen.

Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dagaalka iyo duqeymaha xalay ka dhacay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*