December 1, 2025

Duqeeyn Ku Socoto Degmada Ceelbaraf Iyo Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Ceel Cali Axmed

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceelbaraf ayaa sheegaya in ay ku socoto duqeeyn xoogan oo ka imaanaya dhinaca Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed  ayagoo adeegsanaya Madaafiic Iyo Duqeeyn Dhinaca Cirka ah. 

Ciidanka Xogga Dalka Somaliyed ayaa kaashanaya Ciidanka Deegaanka Macaawiisleeyda

Sidoo kale waxa aay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan Ceelbaraf in ay arkayaan Dab xoogan oo dhacaya Guddaha Magaalada Ceelbaraf waxaana sababay Duqeeynta Ku socoto Ceelbaraf.

Dhinaca kale Kooxda Al shabaab ayaa Saaka Dagaal aad u culus oo aan waxba la isku reeban ku soo qaaday deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Sh/dhexe oo shalay laga saaray

Al-Shabaab ayaa Lix jeer oo isku xigta soo qaaday dagaal la isku riiqmay oo dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay iyadoo wararku sheegayan in Al Shabaab ay u suura gali waysay inay qabsadaan degaanka Ceel Cali Axmed.

Ciidamada NISA oo kaashanaya kuwa ka soo gurmaday Galmudug ayaa shalay la wareegay amniga Deegaanka Ceel Cali Axmed Dagaalka maantay ayaa ahaa mid aad u qaraar oo Ciidamada NISA iyo kuwa Galmudug diideen inay al shabaab si fudud  kula wareegaan degaankaan oo muhiim u ah Difaaca Degmada Aadan yabaal.

Waa dagaalkii labaad ee maantay kaliya Al shabaab ku qaadaan Gobalka Shabeelada Dhexe waxay sidoo kale weerareen degaan lagu magacaabo Boos hareeri kaasoo dagaal ka dhacay kadib Al shabaab dib loogu celiyay halkii ay ka yimaadeen iyadoo degaankan uu hoostago degmada Aadan yabaal.

Sidoo kal Waxaa xusid mudan in Taliyaha ciidanka XDS Odawaa Yusuf Raage, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Col Shuute iyo Taliyaha Ciidamada Lugta ay ku sugan yihiin Furimaha Dagaalka Gobalka shabeelada dhexe ayna doonayaan inay Al Shabaab ka saaraan gobolkaas.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*