October 7, 2025

Duqeeyn Ka Dhacday Adenyabaal Iyo Dowlada Somaliya Oo Ka Hadashay

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal, ayaa lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka kaas oo lagu beegsaday guri ku yaalla degmada Aadan Yabaal, oo Khawaarijtu u aheyd xarun istaraatiiji ah oo lagu uruuriyo saanadda ciidanka, sidoo kalena laga abaabulo maleeshiyaadkooda.

Intii uu socday howlgalkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaa cadowga, iyadoo howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Bartilmaameedka howlgalkaan waxaa qayb ka ahaa horjoogayaal si wayn loo daba socday kuwaas oo dhibaato badan u gaystay shacabka Soomaaliyeed, waxaana dib laga soo sheegi doonaa magacyadooda marka la xaqiijiyo.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an ciribtirka cadowga Khawaarijta ah, iyadoo aysan jirin meel ay ku baxsan karaan horjoogayaasha ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*