January 15, 2026

Duqeeyn ka Dhacday Aden Yabaal Iyo Madax Alshabaab oo lagu laayay

Wararka laga Helayo Degmada Aden Yabaal ayaa sheegaya   in duqeyn ka dhacday  lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka ayaa  ka dhacay guri ku yaala degmada Aadan Yabaal, halkaasi Oo  la sheegay inuu shir ugu socday horjoogayaasha iyo Maleeshiyada Al-shabaab.

“Howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo ku sugnaa Degmada Aadan Yabaal oo kamid ah Gobolka Sh/Dhexe.” NISA ayaa Sidaa Shegtay.

Sidoo kale Howlgalkaasi ayaa lagu fuliyay guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, 

Dhanka kale Hoygaasi lagu weeraray horjoogayaasha ayaa ayaa  uu ahaa keydka qaraxyada iyo hubka culus ee kocdaasi,waxaana fabi ahaan la burburiyay gurigaasi iyo wixii ku jiray”.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*