Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay Xalay duqeymo culus ku beegsadeen fariisimo kooxda Al-shabaab ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in duqeymaha si gaar ah loola eegtay goobo kala duwan oo kooxdu ku sugneyd, waxana jugta duqeymaha laga maqlaayay deegaano ka fog fog degmada Ceel baraf.
Goobjoogayaal ku sugan deegaano ku dhadhaw Ceel baraf ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in duqeymaha ay ahayeen kuwa xoogan oo dhacay mudo laba jeer ah, waxaana wararka intaasi ku darayaan goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen horjoogayaalka tirsan Al-shabaab.
Sidoo kale Wali si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo aadan duqeymaha Xalay dhacay.
Inta badan duqeymaha ka dhaca Koofurta iyo Bartamaha dalka waxaa fuliya diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee dowladda Maraykanka, kuwaas oo bartilmaameedsada xarumaha ay ku sugan yihiin horjoogayaasja iyi maleeshiyaadka Al-shabaab.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag