January 16, 2026

Duqayn Laga Fuliyay Deegaanka Geelgub G/SH/DHEXE Iyo Alshabaab lagu xasuuqay

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Xoogga Dalka oo iskaashanaya ay Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyeen duqayn lagu dilay xubno ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in duqayntan oo xalay laga fuliyay deegaanka Geelgub lagu dilay 21 xubnood, oo isugu jira sida ay sheegtay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al Shabaab. Geelgub waxay hoostagtaa Degmada Cadale.

“Hawlgalkan lagu beegsaday Khawaarijta ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii Khawaarijta ee bartilmaameedka u ahaa Ciidanka Qaranka ee hawlgalka fuliyay.” Ayay NISA ku sheegtay war ay saqdii dhexe ee xalay soo saartay.

NISA ayaa mar kale ku celisay baaqeedii ahaa in dadka shacabka ahi ay isaga fogaadaan meelaha ay ka ag-dhow yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

“Hay’adda NISA, waxa ay mar kale dadka rayidka ah ku wargelineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, maadaama la xoojiyay hawlgalka dalka looga sifeynayo haraadiga Khawaarijta.” Ayay NISA ku sheegtay warkeedan.

Dhanka kale Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa wajahaya xaalad aad u cakiran, oo ka dhalatay weerarada ay Shabaabku ku hayaan deegaanada bariga gobolkaasi ee horey looga saaray iyo Dowladda Federaalka oo dadaal ugu jirta, sidii loo joojin lahaa weeraradoodaasi, uuna u sii socon lahaa wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*