October 7, 2025

Duqa Muqdisho Oo Deeq Daawo ah Ku Wareejiyay Ciidamada Macawiisleyda ee ku soo dhaawacmay Hiiraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa daawooyin ugu deeqay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaalama Ciidamada Xooga dalka kuwooda ku sugan Gobolka Hiiraan.

Sida uu Sheegay Deeqdaan ayaa waxaa guddoomay Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyadoona Duqa Muqdisho uu sheegay in ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca Deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha khawaarijta.

Dhanka kale Munaasabadda   waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, mas’uuliyiin kala duwan, Siyaasiyiin, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee hormuudka Haweenka Gobolka Banaadir. Asigoo ku amray in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu wareejiyo Ciidanka Difaaca beesha Xawaadle.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*