October 7, 2025

Dr.Cabdullaahi Faroole Maxamed Oo Yiri”Shacabka HirShabelle Ha Doortaan Madax Wax Soo Baratay Hadii Kale Nolol Xun ayay Ku Jirayaan”

Waxan kalsooni xooggan ku qabaa shacabka dega Gobolka Sh/dhexe dadka wada degana ay ka soo kala jeedaan intiisa badan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.
Marka ay timaado in musharraxiinta aan ka mid noqon doono ee ku tartami doona hoggaanka sare ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, waxan aaminsanahay in Shacabka halkaa dega aysan isaga darsami doonin oo ay kala garan doonaan musharraxiinta ay codkooda siin doonaan in ay noqonayaan kuwi iyaga wax uun maalin taray kuna saleysan baahiyihi badnaa ee ay qabeen, qaar ka mid ah kuwaa oo ay ka dhaxleen firaaqi dheraa ee dowlad la,aanti ay soo mareen ama ka dib maamuladi halkaa ka jiray amaba hadda ka jira ay ku guul darreysteen in ay wax ka qabtaan.
Haddii aan wax ka xuso wax qabad yadii iska yaraa ee aan Gobalka dadka dega aan ka dhex hergeliyay iyaguna ay marag ka yihiin inti nool waxaa ka mid ahaa:
1. 2006- 2009 Soo saarid fasaladii ugu horreeyay ee heerka dugsiga dhexe Degmada Ceel-baraf, kuwaa oo hadda ah qaarkood Mas,uuliyiin ka tirsan Federalka iyo State ka labada, ama xirfadlayaal kale oo isugu jira Engineero iyo dhakhaatiir.
2. 2009, qeyba ka mid ah bulshada degta Jowhar iyo Mahadday oo aan ka hirgeliyay masruuci
poultry reering( dhaqashada digaagga) oo la xiriiray Income generation loo abuurayay dadka danta yar.
3. 2013-2014 magaalada Jowhar u qareemidda dadka taagta daran gaar ahaan haweenka iyo carruurta oo aan kala shaqeynayay daryeelka carruurta iyo dhowrista xuquuqdooda iyadoo laga waci gelinayay ku shaqeysigooda carruurta iyo in aan la, askareyn. iyadoo la siinayo tababarro ku aaddan arritaa.
4.2018, Degmada Cadale dhismihi aan ku dayactiray marki ugu horreysay dugsigii qadiimka ahaa ee loo yiqiin Gabyoow, kaas oo hadda 2025 bulshada cadale u shaqeynaya
5. 2019-2020, magaalada Jowhar oo aan ka hirgeliyay masruucii (Communty Dailoge) ee la xiriiray Bixinta talooyin sharci ( Land disputes, security and Justice) kaas oo taba-barro la xiriira arrimahaa aan ku bixinayay.
6.2020-2021 Degmadada Mahadday afarta xaafad ee ay ka kooban tahay laga billaabo Buurane oo aan ka hirgeliyay WASH Programe isugu jirta dib u dejin loo sameeyay dad ay daadadki wabigu barakiciyeen biyo dhaamin, qodis ceelasha bomka ku shaqeeya, oo 16 ah iyo kuwa horay u dhisnaa oo dayactir loogu sameeyay, dhisid musqulo dadki ay fatahaaduhu ku dhufteen loo sameeyay oo gaaray 464 musqulood oo qaarkood tuuji fadhi ah loogu dhisay dadki naafada ahaa( disable people), iyo sidoo kale dhisidda kooxo saddex ah oo isugu jira sida:
1 guddi gacanta ku haya ceelash la dhisay
2.koox wacyi gelin siisa dadka loo dhisay musquluha si loo dhowro nadaafadda musquluhaa iyo guud ahaan bad qabka deegaaanka si looga nabad qabo cudurada faafa.
3. Kooxo la socda nadaafadda biyaha ceelasha loo qoday si ay ugu shubaan coloriinta loo qorsheeyay oo waqtiyaysan
Kooxahaa oo dhammaantood loo tabababaray shaqada ay qabanayaan mushaarna loo qoray.
Dhammaan howlahaa laga qabtay degmooyinka sare ku xusan waxa igala shaqeynayay oo marag ma doonto ah iyagoo bogaadin mudan Guddoomiyayaashi degmooyinkaas oo weli nool xilkoodine weli sidi u haya sida, ku xigeenka degmada Jowhar, guddoomiyaha degmada Cadale iyo Kan mahadday.
7. 2024-2025, Degmada Aadan yabaal oo weli uusan dhamaan mashruuci aan ka billaabay uuna u hakaday sababo amni dartood waxa aan ka wadaa mashruuc loogu Tala galay deegaanadi 15 sano ka dib Al- shabaab laga xoreeyay oo ku saabsan tababarro la xiriira, ka hortagga argagexisinimada iyo qataraha rabshadaha argagexisinimo iyo sida looga bad baadin lahaa shacabka in ay ku lug yeeshaan , isla markaana bulshadu si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga iskana kaashadaan dhisidda nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Gunaanad
Anigoo aaminsan in Shacabkeygu kala garan doonaan musharraxi codkooda u baahan in uu yahay kii ay soo tijaabiyeen iyo mid kale, intaa aan kor ku soo sheegay musharraxi bulshada kula saaxibay ha, ila soo tartamo, anigoo rajeynaya goor dhow in aan taageerayaasheyda deggan gobolka meelo fagaara ah kula hadli doono.
Musharraxa Hoggaamiye ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Dr.Cabdullaahi Faroole Maxamed
BSc. LLB. LLM. MBA. PhD in Peace Study.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*