October 26, 2025

Dowladda Maraykanka Oo Sheegtay In duqeymo ka fulisay togga Baallade ee Calmiskaad

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Sida ay Sheegatay Dowladda Maraykanka ayaa xalay duqeymo ka fulisay togga  Baallade, halkaas oo ay weli  ku sugan dagaalamayaal katirsan kooxda Daacish.

Ilo amni oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lagu beegsaday godad adag oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan firxadkii aacish, kuwaas oo ku go’doonsan togga Baallade.

Goobaha la duqeeyay ayaa lagu sheegay Hays, Baarikallaah iyo Marraagade, dhammaantoodna waxay ku yaallaan togga Baallade, halkaas oo ay ciidamada difaaca Puntland ku hareereeyeen kooxihii bartilmaameedka ahaa.

Saraakiil amni ayaa sheegaya in ciidamadu aroornimadii hore ee saaka weerar dhulka ah ku qaadeen goobihii xalay la duqeeyay, si ay u xaqiijiyaan in aysan jirin xubno ka baxsaday ama dib isu abaabulaya.

Sidoo kale Wararku waxa ay intaas ku darayaan in hawlgalku uu weli socdo, iyadoo lagu howl-galayo sifeynta aagagga lagu tuhunsan yahay inay weli joogaan kooxda Daacish.

Dhanka kale Illaa hadda lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo weerarka dhulka ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*