
Sida uu Xaqiijiyay Taliyaha ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo xasilinta ee gobolka Gedo Cabdirashiid Janan ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku dhiseyso maamul cusub oo Jubbaland ah oo xaruntiisa ku meel gaar ah laga dhigi doono magaalada Garbahaarey.

Taliye Cabdirashiid Janan oo dhowaan dowlada Fedaraalka Soomaaliya u magacowday inuu noqdo taliyaha Nabad sugidda iyo xasilinta gobolka Gedo ayaa sheegay in qorshahan uu dhab yahay, islamarkaana uu ka mid yahay dadaalada dowladda Fedaraalka ku doonayso in gobolka Gedo uu si toos ah uga mid noqdo maamulka cusub ee Jubbaland.
Taliye Cabdirashiid Janan ayaa u baaqay shacabka gobolka Gedo inay u diyaar garoobaan dhismaha maamulkaas, isagoona carabka ku adkeeyay inaan mar dambe loo dulqaadan doonin maamul uu ku tilmaamay mid ku xiran dalal shisheeye.
“Gedo waxaan ka dhiseynaa Maamul Jubbaland ah oo aan ku xineyn dalal shisheeye ee ku xiran dowladda Federaalka, waa in shacabka u diyaar garoobaan arrintaasi” ayuu yiri Taliyaha Nabad Sugidda iyo xasilinta gobolka Gedo Cabdirashiid Janan.
Warkaan kasoo yeeray Taliyaha ciidanka Nabad Sugidda iyo xasilinta gobolka Gedo ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan magaalada Kismaayo wada hadal aan natiijo muuqata laga gaarin ku yeesheen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Talaabadan cusub uu shaaciyay Taliyaha Nabad Sugidda iyo xasilinta gobolka Gedo Cabdirashiid Janan ayaa noqon doonta mid sii xoojin doonta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mamaulka Jubbaland.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag