November 19, 2025

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga Oo Kawada Hadlay Iskaashiga Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga a

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, iyagoo yeeshay kulan miro-dhal ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah.

Kulankan, oo ka dhacay magaalada Muqdisho 15-ka November 2025, ayaa lagu lafaguray dhowr qodob oo muhiim u ah horumarinta khayraadka badda iyo ballaarinta mashaariicda iskaashi ee labada dowladood.

Sidoo kale Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta ilaalinta kheyraadka badda, dhaqan-gelinta heshiisyadii hore ee ka dhexeeyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dowladda Turkiga, iyo kor u qaadidda xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Dowladda Turkiga ayaa kulanka ku ballan-qaadday in ay siiso Soomaaliya tababaro heer sare ah oo casri ah, kuwaas oo kobcinaya aqoonta iyo farsamada kalluumeysiga. 

Sidoo kale, Turkiga ayaa soo jeediyay barnaamijyo waxbarasho oo heer jaamacadeed (Master’s Degree) loogu talagalay in lagu dhiso khubaro Soomaaliyeed oo si qoto dheer u taqaan dhaqaalaha buluugga ah iyo maaraynta kheyraadka badda.

Dhanka kale Wasiirka Kalluumeysiga Axmed Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay u muujinayaan Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay horumarinta kalluumeysiga oo ka mid ah tiirarka dhaqaalaha dalka.

“Kulanku wuxuu ahaa mid guul leh, waxaana rajeynaynaa in uu horseedo mashaariic wax-ku-ool ah oo lagu hormarinayo ilaha dhaqaalaha buluugga ah,” ayuu yiri Wasiirka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*