October 27, 2025

Dowladaha Soomaaliya Iyo Rwanda Oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi Si Loo Xoojiyo Xiriirka Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta magaalada Kigali ku saxiixay Heshiis Iskaashi Guud oo uu la galay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Rwanda, Mudane Amb. Olivier Jean Patrick Nduhungirehe.

Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo lagu ballaarinayo iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowliga ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta danaha wadajirka ah, kuwaas oo gacan ka geysan doona xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada gobolka.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi waara oo ku saleysan ixtiraam iyo dan wadaag.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*