November 19, 2025

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Dhismaha Horumarinta iyo Magaaleynta

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa maanta kulan soo dhaweyn heer sare ah la qaatay Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Qorsheynta Magaalooyinka Kenya, Marwo Hon. Alice Wahome (EGH).

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda Kenya, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle. Mas’uuliyiinta ayaa ka wadahadlay xoojin iyo ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhanka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray:

In la xoojiyo iskaashiga tababarrada iyo isdhaafsiga khibradaha ku saabsan magaaleynta, qorsheynta dhulka, guriyeynta iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah.

Dardargelinta mashaariicda horumarinta ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kuwa ku saabsan marinnada isku xira Soomaaliya iyo Kenya, si loo fududeeyo isu-socodka ganacsiga iyo adeegyada.

Hirgelinta barnaamijyada guryaha jaban oo la awoodi karo, kuwaas oo muhiim u ah sidii loo heli lahaa magaalooyin casri ah oo u adkaysan kara isbeddellada dhaqaale iyo bulsho.

Kulanka ayaa ku soo gebogeboobay jawi wanaagsan, iyadoo labada wasiir ay isla garteen in la ballaariyo isla markaana la adkeeyo iskaashiga dhanka horumarinta, dhismaha iyo qorsheynta magaalooyinka.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay labada dal ku xoojinayaan xiriirkooda soo jireenka ah iyo hirgelinta heshiisyada horay u dhexmaray wasaaradaha Soomaaliya iyo Kenya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*