October 7, 2025

Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya oo Iska Kaashanaya Kobcinta Ganacsiga iyo Warshadaha

 Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa bilaabay dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi iyo warshadeed ee u dhexeeya labada dal, kadib kulan muhiim ah oo dhex maray labada dhinac, sida ay sheegeen ilo rasmi ah.

 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa magaalada Algiers kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Aljeeriya, Mudane Kouidri Chakib Ismail.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta rugtaas, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka ganacsiga Aljeeriya.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee ku aaddan ganacsiga, horumarinta warshadaha, iyo abuurista jawi maalgelin oo u furan ganacsatada labada dal.

Danjire Jeego ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir rasmi ah oo dhexmara Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya iyo tan Aljeeriya, si loo fududeeyo is-dhaafsiga ganacsi, tababaro, iyo khibrado la xiriira horumarinta suuqyada.

“Waxaa la gaaray waqtigii aan abuuri lahayn hannaan wada shaqeyn oo rasmi ah, si ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Aljeeriya ay u helaan fursado ay ku wada shaqeeyaan,” ayuu yiri Danjire Yuusuf Jeego.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*