January 15, 2026

Dowlada Yemen oo Cayrisay Ciidamada Imaaraadka dalkeeda joogay iyo Burburka Isbahaysiga Sucuudiga

Hoggaanka dalka Yemen ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Imaaraadka ay muddo 24 saac gudahood ah kaga baxaan dhammaan dhulka Yemen, taas oo muujinaysa burbur ku yimid xiriirkii labada dhinac.

​Tallaabadan ayaa timid saacado yar ka dib markii isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ay duqeeyeen maraakiib hub siday oo ka yimid Imaaraadka, kuwaas oo ku sugnaa dekadda Mukalla.

Duqayntaas ayaa lala beegsaday saanad milateri oo loogu talagalay ciidamada STC, taas oo dhalisay in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay si toos ah isaga hor yimaadaan loollankooda ku aaddan gacan ku haynta koonfurta Yemen.

Sidoo kale Xaaladda dalka Yemen ayaa gashay weji cusub oo xamaasad leh ka dib markii dowladda Yemen ay ku dhowaaqday inay gebi ahaanba ka baxday heshiiskii difaac ee kala dhexeeyey dalka Imaaraadka Carabta.

​Kala-tagga dowladda Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa hadda u muuqda mid bannaanka soo baxay, iyadoo loollankoodu uu ka soo gudbay gudaha Yemen, una soo fiday dhanka Bariga Afrika iyo marinada muhiimka ah ee badda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*