
Dowladda Turkiga ayaa Sheegtay In ay ka qayb qaadaneysa weerarada dhanka cirka ah ee ka socdo G/ Sh/Dhexe ee lagu taageerayo hawlgalka dhinaca dhulka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

Dowlada Turkiga ayaa ka jawaabaya codsi dhawaan uga yimid Madaxda Qaranka, oo ahaa in la kordhiyo duqaymaha lagu hayo maleeshiyada Al Shabaab, ee ku sugan Deegaanada HirShabelle iyo Galmudug .waxaa ka socda hawlgalka dib-u-xoreynta dalka,
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Turkiga ayaa maalmahaanba hawlgalka hawada ah ka fuliyay gobolkaasi, iyagoo adeegsanaya diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.
Saraakiisha Turkiga ee degan Saldhigga Turksom ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa la sheegaya in ay duqaynayaan goobaha uu Militariga Somaliya weydiisto in la garaaco.
Dhanka kale Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Turkigu uu tababaro ayaa Taliska Turksom kala shaqeynaya bartilmaameedyada ka dhanka ah Al Shabaab.
8-dii cisho ee ugu dambeysay, duqaymaha laga fuliyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa noqoneyso duqayntii ugu weyneyd ee Shabaabka loogu gaysto gobolkaasi, maalmo yar gudahood.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqaymaha ay sheeganayaan Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Militariga Somaliya ay gaysanayaan diyaaradaha Turkiga, inkastoo horaantii bishan ay soo shaac-baxday in NISA ay haysato diyaaradaha drones-ka, nooca yaryar ee is qarxiya oo weeraro looga gaystay Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag