December 17, 2025

Dowlada Turkiga oo soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo hawadiisa ku soo gashay

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in ciidamada difaaca cirka dalkaasi ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo si aan la xakamayn karin ugu soo dhowaatay hawada Turkiga, xilli ay ka timid dhinaca Badda Madow (Black Sea).

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in kadib markii la ogaaday drone-ka, diyaaradaha dagaalka Turkiga iyo kuwa NATO ee nooca F-16 la geliyay heegan buuxa, si loo xaqiijiyo ammaanka hawada dalka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in baaritaan hordhac ah lagu ogaaday in drone-ku uu ahaa mid ka baxay gacan-ku-haynta, taasoo keentay in si ammaan ah loogu soo rido meel aan waxyeello geysan, inkastoo aan la faahfaahin nooca drone-ka iyo cidda lahayd.

Dhacdadan ayaa imanaysa maalmo kaddib markii Turkigu digniin ka bixiyay halis sii kordhaysa oo ka taagan Badda Madow, kaddib weerarro ay Ruushku ku qaadeen dekedaha Ukraine, kuwaas oo lagu sheegay inay waxyeello gaarsiiyeen saddex markab xamuul ah oo ay leeyihiin shirkado Turki ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*