December 15, 2025

Dowlada Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha saldhig hawada sare ah (Spaceport)

Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u billowday dhismaha saldhig hawada sare (spaceport) oo laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay Selçuk Bayraktar, oo ah Madaxa Teknoolojiyadda (CTO) ee shirkadda Baykar. Hadalkan ayaa muujinaya isbeddel istiraatiiji ah oo weyn oo ku saabsan doorka Soomaaliya ee cilmiga hawada sare iyo tiknoolojiyadda casriga ah.

Selçuk Bayraktar ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay goob juqraafi ahaan aad u gaar ah, maadaama ay ku dhowdahay Dhulbaraha (Equator) isla markaana ay leedahay xeeb dheer oo Badweynta Hindiya ah.

Sida uu sheegay, adduunka oo dhan waxaa jira kaliya 12 goobood oo ku habboon in laga rido gantaallada hawada sare (launch vehicles), kuwaas oo u baahan dhul furan, bad ku dhow, iyo meel ku dhow dhulbaraha si loo yareeyo kharashka iyo halista ridista.

Wuxuu xusay in mid ka mid ah goobahaas ugu fiican uu yahay kan laga hirgelinayo Soomaaliya, isla markaana uu ahaa mid ka mid ah fursadihii ugu dambeeyay ee caalamka ka bannaan.

Selçuk Bayraktar wuxuu caddeeyay in dhismaha saldhigga hawada sare ee Soomaaliya uu durba billowday, islamarkaana uu yahay mashruuc ay si toos ah u waddo Dowladda Turkiga. Saldhiggan ayaa la sheegay inuu yeelan doono aag dhan 30 kiiloomitir, taas oo u oggolaaneysa in lagu rido gantaallo iyo qalab hawada sare ah si ammaan ah.

Sidoo kale, shirkadda difaaca Turkiga ee ROKETSAN ayaa ka faa’iideysan doonta saldhiggan, gaar ahaan horumarinta iyo tijaabinta gantaallada iyo tiknoolojiyadda hawada sare.

Hadalka Bayraktar ayaa sidoo kale tilmaamaya qorshe fog oo Turkigu leeyahay, kaas oo ah in mustaqbalka uu isticmaalo gantaalladiisa u gaarka ah (indigenous launch vehicles), kana rido saldhigga ku yaalla Soomaaliya. Tani waxay Turkiga ka dhigi kartaa dal si buuxda ugu tiirsan awooddiisa gudaha ee hawada sare, halka Soomaaliya ay noqon karto xarun istiraatiiji ah oo caalami ah.

Dhanka Soomaaliya, mashruucan wuxuu xambaarsan yahay macne weyn oo siyaasadeed, dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah. Haddii uu si buuxda u hirgalo, wuxuu Soomaaliya u horseedi karaa:

Kororka muhiimadda juqraafiyeed ee dalka ee caalamka iyo Fursado shaqo iyo tababarro tiknooloji oo heer sare ah iyp Maalgashi shisheeye iyo kaabeyaasha horumarka iyo Xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*