Dowlada Sweden ayaa dacwad ku oogtay nin 23 jir ah oo Swedish-Syrian ah, kaas oo lagu eedeeyay dambiyo argagixiso, oo ay ku jiraan isku dayo uu ugu safro Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish (IS), sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaashu.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu maalgeliyay ama isku dayay inuu maalgeliyo IS isaga oo adeegsanaya cryptocurrencies, iyo inuu xubin ka ahaa ururka, sida ku cad warqadda dacwadda.
4-tii Sebteembar 2023 ayuu sameeyay isku daygiisii ugu horreeyay ee uu ugu safro Soomaaliya, sida ay sheegtay dacwad oogistu.
18-kii Maarso sannadkii xigay ayuu ku celiyay isku day kale oo uu maray Saudi Arabia.
“Labada jeerba waa la xiray. Markii hore waxaa qabtay Dowladda Itoobiya meel u dhow xadka Soomaaliya. Markii labaadna waxaa qabtay Dowladda Soomaaliya,” ayuu AFP u sheegay xeer-ilaaliye Carl Mellberg.
Si kastaba ha ahaatee, xeer-ilaaliyuhu wuxuu sheegay inaan si sax ah loo caddeyn karin waxa qorshihiisu ahaa.
“Maadaama uusan waligiis gaarin meesha uu u socday, si dhab ah uma sheegi karno doorka uu halkaas ka qaadan lahaa. Laakiin waxa la hubo waa inuu doonayay ka qaybgal firfircoon oo IS ah, oo aan wax ka yarayn ku biiristooda,” ayuu Mellberg sharaxay.
Ninkaan sidoo kale wuxuu helay tilmaamo la xiriira samaynta iyo isticmaalka qaraxyada, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay in loo adeegsado falal argagixiso, sida ku cad dacwadda.
Ninkan wuxuu degan yahay koonfurta Sweden, wuxuuna saaxiib la yahay nin kale oo 22 jir ah oo horraantii Febraayo lagu xukumay dambiyo ay ka mid yihiin safarro shisheeye oo ujeedadoodu tahay argagixiso, kuwaas oo ay qaarkood wada qorsheeyeen.
Maxkamaddiisu waxay bilaaban doontaa 3-da Diseembar, waxaana ay socon doontaa saddex maalmood, waxaana lagu qaadayaa maxkamadda Attunda.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag