
Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu ku guul darreystay dhaqangalka qaraar loogu talagalay ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee dadka Gaza.

Sida uu sheegay wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya QM, Abuukar Cusmaan Baalle, xaaladda Gaza ayaa ah mid sii xumaanaysa iyadoo dagaalka Israa’iil uu si xawli ah u fidayo, taasoo sababay gaajo, masiibo bini’aadantinimo, iyo dhibaato joogto ah oo saameysa rayidka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
“Soomaaliya waxay mar kale muujisay taageerada ay u hayso dadka Falastiin iyo xaqooda sharciyeed ee is-maamul, iyadoo ku baaqday dhamaadka qabsashada dhulka Falastiin, joojinta dagaalka joogtada ah, sii deynta dhammaan dadka si aan sharci ahayn loo xidhay, iyo dib u bilaabista hab siyaasadeed oo la isku halleyn karo oo ay wataan beesha caalamka,” ayu yiri Abuukar Baalle.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag