
Dowlada Somalia ayaa goor dhow shaacisay iney la arkay bisha Shawaal 1446, maalinta beri oo axad ahna ay tahay maalinta koowaad ee ciidul Fitriga.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arriamaha diinta somaliya ayaa lagu sheegay in bisha Shawwal in maalinta berri oo Axad ah 30-ka Maarso sanadka 2025ka ay tahay maalinta koowaad Ciidul Fitriga.
Dhanka kale Boqortooyada Sacuudiga ayaa goor dhow shaacisay iney la arkay bisha Shawaal 1446, maalinta beri oo axad ahna ay tahay maalinta koowaad ee ciidul Fitriga.
Qoraal ka soo baxay Maxkamada sare ee sacuudiga ayaa lagu sheegay in bisha Shawwal laga arkay degaano ka tirsan Sacuudiga sidaas awgeedna ay berri oo Axad ah 30-ka Maarso sanadka 2025ka ay tahay maalinta koowaad Ciidul Fitriga.
Sidoo kale Qatar & Imaaraadka & dalal kale ayaa ku dhawaaqay iney beri tahay maalinta koowaad ee ciidul Fitriga.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag