October 8, 2025

Dowlada Somaliya Oo Ka Hadashay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallin Xasan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo ay lahaayeen ciidanka midowga Afrika ay ku dhacday garoonka diyaaradaha muqdisho.

Diyaaraddan oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ayaa sidday 8 qof, wuxuuna sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan wixii qasaara ah ee ka dhashay shilkaasi.

Maareeyaha ayaa sheegay in ay shilkaasi ay ku howlan yihiin kooxaha dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan socdaan hubinta qasaaraha iyo nadiifinta garoonka lana xakameeyay xaaladda.

Sidoo kale Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in duullimaadyadii caadiga ahaa ee iman jiray garoonka muqdisho iyo kuwii ka bixi jirayba ay socdaan, goobta uu shilka ka dhacayna ay u xireen howlwadeennada loo xilsaaray.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*