October 7, 2025

Dowlada Sacuudiga oo ku dhowaaqay In maalinta Beri ay tahay1-aad ee Ramadan

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhowaaqday in Maalinta  berri oo Sabti ah, 1-da Marso  ay tahay maalinka koowaad ee bisha Ramadan, kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay dalka sacuudiga.

“Bisha Ramadaan ayaa laga arkay Sacuudi Carabiya, waxaana sidaas darteed Ramadaan 1446 uu bilaabanayaa caawa,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal la soo dhigay barta ay labada Xaramayn ku leeyihiin Twitter.

“Allaha ﷻ ha naga aqbalo soonkeena, salaadeena, iyo dhammaan cibaadooyinkeena. Ha inagu gallado oo ha inasiiyo awood aan si wanaagsan ugu faa’iidaysano daqiiqadaha qiimaha leh ee bishan barakaysan, annaga oo ku dadaalaya camalka uu raalli ka yahay. Aamiin.”

Kadib markiii la arkay bisha cusub fiidnimadii Jimcaha, Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa shaacisay in bisha barakeysan ee Ramadaan, oo ah bisha 9-aad ee taariikhda Hijriyada Islaamka, ay bilaaban doonto Maarso 1, oo ku beegan Sabtida.

Dhalashada bisha cusub ayaa laga arkay goobaha la socodka cirka ee dalka, oo ay ku jiraan xarumaha Sudair iyo Tumair.

Maxkamadda Sare ayaa Khamiistii ku baaqday in dhammaan Muslimiinta ku sugan Sacuudi Carabiya ay fiidnimada Jimcaha raad raacaan bisha Ramadaan.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*