October 7, 2025

Dowlada Mareykanka oo beenisay inuu wado qorshe lagu aqoonsanayo Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo xuduudaha Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

Waxa kale oo ay caddeeyeen in aysan hadda wadahadal rasmi ah la lahayn Somaliland si loo aqoonsado sidii dal madax-bannaan.

 

Mareykanka wuxuu si buuxda u aqoonsan yahay madax-bannaanida iyo xuduudaha dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka

Waaxda Arrimaha Dibadda waxay cadeeysay inaysan hadda jirin wadahadallo rasmi ah oo lala yeesho wakiillada Somaliland si loo aqoonsado sidii dal madax-bannaan sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibada oo la hadlay warbaahinta Fox News.

Hadalkan ayaa ku soo aaday xili Senataro iyo masuuliyiin Mareykan ah ay ugu baaqeen maamulka Trump inuu aqoonsado Somaliland oo ay sheegeen iney ku talaabsatay horumar dhinac walba leh, waxaana jiray dedaalo iska soo horjeeday oo ay wadeen Somaliland iyo DFS kaasoo la xiriiray aqoonsiga somaliland.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*