October 7, 2025

Dowlada Itoobiya oo Sheegtay in Jaamacadda Carabta la safatay Masar Khilaafka Niil

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Amb. Suleiman Dedefo, ayaa si kulul uga hadlay doorka Jaamacadda Carabta, isagoo ku eedeeyay ururkaasi inuu ku milmay danaha siyaasadeed ee Masar, gaar ahaan arrimaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD).

 

Dedefo ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay ka leexatay ujeedadii asalka ahayd ee loo aasaasay, islamarkaana ay u adeegto dano gaar ah oo aan ka turjumayn danaha guud ee dalalka Carabta. Waxa uu tilmaamay in ururku si joogto ah uga shaqeeyo sidii uu cadaadis ugu saari lahaa Itoobiya, iyadoo laga tagayo arrimaha muhiimka ah ee saameeya dalalka xubnaha ka ah.

“Jaamacadda Carabta ma aha urur madax bannaan oo matala danaha guud ee umadda Carabta, waxay u muuqataa in ay noqotay matalaha siyaasadda Masar ee ka soo horjeeda horumarka Itoobiya,” ayuu yiri danjiraha.

Sidoo kale, Amb. Dedefo ayaa su’aalo culus ka keenay sababta ururka Carabta uga dhigayo arrimaha biyaha Itoobiya ajande joogto ah, isagoo xusay in ay jiraan dhibaatooyin kale oo degdeg ah oo u baahan in diiradda la saaro. Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay inaysan jirin sharci u oggolaanaya Jaamacadda Carabta in ay Itoobiya ka codsato oggolaansho ku saabsan isticmaalka kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Danjiruhu waxa uu carabka ku dhuftay in Jaamacadda Carabta aysan si dhab ah u matalin dhammaan xubnaha, taasoo cadeynaysa in ay ku janjeerto dhinaca Masar. Hadalkan ayaa imanaya iyadoo khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar uu weli taagan yahay, iyadoo arrimaha biyo-xireenka GERD ay weli muran siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ka taagan yahay gobolka Geeska Afrika.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*