October 7, 2025

Dowlada Imaaraadka oo sheegay in aysan aqoonsanayn dowladda Suudaan

Dowladda isku tagga Imaaraadka carabta oo khilaaf xooggana kala dhexeeyo Xukuumadda militariga Suudaan ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn maamulka hadda ka jira dalkaas ee uu hoggaamiyo Janeraal Cabdifitaax Al-Burhaani

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn go’aanka maamulka fadbigiisu yahay magaalada Port Sudan, iyadoo intaas ku dartay in maamulkan uusan matalin dowladda sharciga ah ee Suudaan iyo shacabkeeda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in hadalka kasoo baxay golaha ammaanka iyo gaashaandhigga Suudaan uusan saameyn ku yeelan doonin xiriirka u dhexeeya Imaaraadka iyo Suudaan iyo shucuubta walaalaha ah ee labada dal.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan war saxaafadeed uu soo saaray golaha militariga Suudaan lagu sheegay in dalkaasi uu xariirka diblomaasiyadeed u jaray Imaaraadka Carabta, islamarkaana u aqoonsaday dowlad cadow ah oo xasuuq iyo dhibaato ka geysatay Suudaan.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa sidoo kale maalmo ka hor diiday inay qaado dacwad ay u gudbisay Suudaan oo ka dhan ahayd dowladda Imaaraadka oo lagu eedeeyay inay taageerto fallaagada RSF ee dalkaas colaadda ka wada.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*