October 7, 2025

Dowlada Federalka Oo Burburisay Gaadiid Qaraxyo ah oo Al-shabaab ay ku diyaarinayeen Aadan Yabaal

War ka soo baxay Dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe lagu  burburiyay gaadiid qaraxyo lagu diyaarinayay degmadaasi.

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo maleeshiyaad Al-shabaab ay ku leeyihiin degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Duqeynta lala beegsaday gaadiid dagaal oo Al-shabaab u yaala degmada Aadan Yabaal, kuwaasi la sheegay in maleeshiyada ay qaraxyo ku diyaarinayeen degmadaasi.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in la burburiyay goob ay Al-shabaab Hub ku keysan jireen eek u yaala degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Duqeyntan ayaa imaanaysa xili dhawaan degmada Aadan Yabaal ka dhacday duqeyn lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*