October 7, 2025

Dowlada Belgium oo xabsi dhigtay askar ka tirsan ciidamada Israel

Dawladda Belgium ayaa  xabsiga dhigtay laba askari oo ka tirsan ciidanka Israel (kuwaasoo ka tirsan guutada Givati)

Waxay maanta u gudbisay faylkooda Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), sababo la xiriira ku lug lahaanshahooda dambiyo dagaal oo ka dhacay Qaza.

Arrintan waxay dhacday kaddib markii hay’ad xuquuqul insaanka u dooda oo Belgian ah oo lagu magacaabo “Hand Regab” ay dacwad ka gudbisay xilligii ay askartaasi joogeen bandhigga “Tomorrowland”.

Sidoo kale waa markii ugu horreysay ee si dhab ah loo xiro askar Israeliyiin ah, inkastoo marar badan ay isku dayeen safaaradaha iyo sirdoonka Israa’iil in ay si qarsoodi ah u dalka uga saaraan.

Arrintani  waa horumar weyn oo dhinaca sharciga iyo bini’aadannimada ah, wuxuuna jebinayaa xasaanaddii ay askartan ku lahaayeen dalalka qaaradda Yurub oo haatan bilaabay iney iska fogeeyaan Israel.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*