October 7, 2025

Dowlada Algeria oo hawadeeda ka mamnuucday Duulimaadyada kaga imaanaya Maali

Dowladda Algeria ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dhammaan duulimaadyadii uga imaan jiray dalka Mali, iyadoo sabab uga dhigtay xadgudub ay sheegtay in lagu sameeyay hawadeeda.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay dhacdo la xiriirta diyaarad drone ah oo ay Algeria sheegtay in ay soo rideen, taasoo ka timid dalka dariska la ah ee Mali.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisad diblomaasiyadeed ay cirka isku shareertay, kadib markii Mali, Burkina Faso, iyo Niger si wadajir ah ugu yeereen safiirradoodii ku sugnaa magaalada Algiers, taasoo muujinaysa diidmada ay muujiyeen go’aanka Algeria ee ah in la soo rido diyaaradda.

Algeria ma aysan faahfaahin nooca drone-ka ama ujeedadiisa, hase yeeshee waxay ku eedeysay Mali inay si aan oggolaansho ahayn u isticmaaleyso hawadeeda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*