December 1, 2025

Dowlad Sacuudiga oo xukun dil ah ku fuliyey nin Soomaali ah oo lagu eedeeyey

Dowladda Sacuudiga ayaa maanta qisaastay nin Soomaali ah, ka dib markii lagu helay in dalka Sacuudiga uu soo galiyay daroogo.

Ninkan Soomaaliga ah ee dilka qisaasta ah lagu fuliyay ayaa ka mid ahaa 45 maxaabiis Soomaali ah oo dawladda Sucuudigu ay hore ugu xukuntay dil, ka dib markii lagu helay in ay waddanka Sucuudiga soo galiyeen Mukhaadaraad.

Safiirka Soomaaliya Aways Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay fajac ku noqotay arrinta dilka qisaasta ah ee maanta ay fulisay dawladda Sucuudigu, waxaannu sheegay in ay 44-ka maxaabiis ee hartay ay dawladda Sucuudiga kala hadli doonnaan siddii ay u soo bad-baadin lahaayeen.

Sacuudiga ayaa waxaa u yaalla sharci dhigaya in qofkii lagu helo isagoo dalka daroogo soo gelinaya lagu fuliyo xukun daldalaad ah oo aan ka noqosho laheyn, iyadoo horeyn xukunkaas loogu fuliyey dad fara badan oo dembigaas lagu helay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*