October 7, 2025

Diyaarado Duqeymo Ka Fuliyay Degmada Jilib Oo ay Gacanta Ku Hayaan Al-shabaab

Wararka laga helay Degmada Jilib  ayaa la sheegayaan in ay ka dhacday Duqayn cirka ah  Oo lagu Weeraray kooxda alshabaab  Meelo ay ku leeyihiin fariisimo maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan Degmada Jilib  sida ay ii xaqiijyeen  dowladda  Federalka Somaliya.

Sidoo kale Duqaynta ayaa  dhacday xalay inkastoo aan wali la soo sheegin  Hase ahaatee Saacadaha soo socda ayaa lagu sugayaa in ay warbixin ka soo saarto Dowlada Federalka Somaliya khasaaraha ka dhashay duqeynta lala beegsaday xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, 

Dhanka kale Degmada Jilib waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ay gacanta  ku hayaan maleeshiyaadka Al-shabaab, halkaasina ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah. Hase ahaatee waxa aad moodaa in waqtigoodii la joogo oo lagu ciribtiri lahaa alshabaab.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*