October 7, 2025

Diyaarad dagaal uu Mareykanka leeyahay oo ku dhacday Badda Cas

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Taliska Ciidanka Badda Mareykanka ayaa xalay qirtay in diyaaraddan oo nooceedu uu ahaa F/A-18 ay Isniintii shil ku gashay Badda Cas.

Taliska ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday badda, xilli ay hawlgal ka soo laabatay, isla-markaana ay ku degaysay markabka diyaaradaha xambaara ee USS Harry S. Truman oo ku sugan Badda Cas.

Taliska ayaa sheegaya in diyaaradda ay si caadi ah ugu soo degatay dhabaha ay diyaaraduhu ka kacaan amaba ay ku deggaan ee markabka dushiisa, ka hor inta aysan duuliyeyaashii la socday lumin xakameynta diyaaradda, isla-markaana aysan ka siibanin, kuna dhicin biyaha badda.

Sarkaal Mareykan ah ayaa CNN u sheegay in diyaaraddu ay shilka la kulantay, xilli markabka USS Harry S. Truman uu ka baxsanayay weerar ay ku soo qaadeen Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen.

 

Taliska Ciidanka Badda Mareykanka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in dhacdadaasi uu ku dhaawacmay mid ka mid ah badmaaxayaashooda, isla-markaana uu baaritaan socdo.

Sidoo kale Markabkii iyo diyaaradihii kale ayaa weli hawlgalaya, dhacdadana waa la baarayaa.” Ayaa lagu sheegay warka, iyadoo talisku aanu bixin tafaasiil intaasi dheer.

Waa diyaaraddii labaad oo F/A-18 ah oo ku burburta Badda Cas, dhowr bilood gudahood. 22-kii bishii December ayay ahayd, markii mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Mareykanka uu si aan ku talagal ahayn uu gantaal ugu dhuftay diyaaraddaasi. Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM ayaa xilligaasi sheegay in dhacdadaasi ay ka dambeysay, ka dib markii ay ciidamadoodu qaadeen duqaymo is xigxigay oo lagu beegsanayay goobo lagu kaydiyo gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta Yemen.

Diyaaradda F/A-18 ayaa qiimaheeda lagu sheegaa 67 illaa 73 milyan oo dollarka Mareykanka, waana mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ugu casrisan ee maanta uu Mareykanku haysto.

Markabka weyn ee USS Harry S. Truman ayaa ah mid ka mid ah laba markab oo nooca diyaaradaha ay ka haadaan ah, oo haatan Mareykanka ka jooga Bariga Dhexe. Mareykanka ayaa 15-kii bishii March soo cusbooneysiiyay duqaymihii ay ku hayeen bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, maadaama ay Washington ogeyd in Israel ay dib u bilaabi doonto weeraradeedii Gaza, ka dib xabad joojin socotay ku dhawaad laba bilood.

Aqalka Cad ayaa ka warqabay in Xuuthiyiinta ay khad cas uga dhigan tahay, haddii Israel ay soo celiso weeraradeedii aan kala sooca lahayn ee Gaza. Militariga Mareykanka ayaana duqaymaha ku bilaabay dhulka ay Xuuthiyiintu maamulaan, saddex maalmood ka hor goorta ay Israel jebisay xabad joojintii Gaza oo ku beegan March 18-keedii.

Dhanka kale Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in ciidamadooda ay gelinkii dambe ee Isniintii ay gantaal iyo diyaarad drone ah ku weerareen markabkaasi, iyadoo laga jawaabayo duqaymaha ay dalkaasi ka gaysanayaan diyaaradaha ka soo kacaya markabkaasi.

General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa Isniintii ku celiyay inaysan jirin cid ka hor istaagi karta inay sii wadaan weeraradooda ka dhanka ah Israel iyo Mareykanka, inta ay Israel waddo gardarradeeda ka dhanka ah dadka Gaza, Mareykankuna uu ku garabka siinayo.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa tallaabooyinkooda militari ku qeexay mid ay si buuxda ugu garab taagan yihiin shacabka Falastiin.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*