December 15, 2025

Dilalka Iyo Aanooyinka Qabiilka Oo Markale Dib Uga Qarxay G/ Sh/Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saakay wiil dhalinyaro ahaa loogu deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ilyaas Cismaan Xasan, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Moto Fekonta.

Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa lala xariirinaya aargoosi aano qabiil ah, waxaana geystay koox hubeysan oo si deg deg ah dilka kadib goobta uga baxsatay.

Ehelada marxuum Ilyaas Cismaan Xasan ayaa dalbaday in lasoo qabto kooxdii dishay wiilkooda, islamarkaana loo soo taago Maxkamadda si cadaaladda oo mariyo.

Sidoo kale Dilka marxuumkan dhalinyarada ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose mudooyinkan dambe xasilooneyd kadib xabad joojin la kala dhex dhigay maleeshiyo beeleed halkaasi ku dagaalamay.

Dhanka kale Ma jirto ilaa hada war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka maamulka iyo laamaha amaanka ee deegaanka Yaaqbariweyne oo ku aadan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ee markale dib uga soo cusboonaaday Yaaqbariweyne.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*