
Wararka Laga helayo magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, ayaa sheegaya in maanta lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya , kaa oo magaalada ka shaqeesanayay.

Askari ilaalo ka ahaa hoteelka Taleex ee magaalada Garowe ayaa dilay wiilkan oo lagu magacaabayay Mustafa Manuur oo 18-sano jir ahaa, wiilka la dilay ayaa la sheegay in uu ka shaqeyn jiray dhaqsita gaadiidka, waxaana xilliga la dilayay meel ku dhaw hotelka Taleex uu ku dhaqayay gaari.
“Nin ka tirsan ilaalada Hotel Taleex oo hubaysan ayaa marxuumka qori ku qabtay waxaana uu ku amray in uu joojiyo dhaqidda baabuurka haddana wuxuu markiiba ku furay tacshiirad waxaana meesha laga soo qaaday meydkiisa oo ay rasaas badan ka muuqato” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa goobta dilku ka dhacay.
Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo isbuuc gudihiisa magaalada Garowe loogu geesto qofkii labaad ee kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed, habeenno kahor ayaa askari katirsan ciidamada Puntland isna Garowe ku dilay wiil timo jare ahaa oo kasoo jeeday Koonfur Galbeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag