October 7, 2025

Dil Ka dhacay Duleedka Degmada Ceelbaraf Iyo Falkaasi Oo Geeystay Maleeshiyo Ka Soo Jeeda Bariga Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceelbaraf EE G/SH/dhexe ayaa sheegaya in lagu dilay qof shacab ah  oo deganaa Duleedka Degmada Ceelbaraf. Sida la sheegay waxa uu ahaa xoolo dhaqato ah oo ka soo jeeda Degmada Ceelbaraf . 

Sida la sheegay dilkaasi waxaa geeystay maleeshiyo ka soo jeeda G/Hiiraan   ee besha Xawaadle.

Sidoo kale Maleeshiyada ayaa si gadmo ah rasaas ugu furay Marxuumka   waxaana ay uga tageen dhimasho markii hore hase ahaatee waxa uu naqday mid dhaawac ah . balse Ugu danbeeyntii waxa uu  u dhintay dhaawacii soo gaaray AUN.

Hase ahaatee Waxaa meesha isaga baxsaday Maleeshiyadii falkaan geeysatay Mana jirto Cid masuul ah oo ka hadashay Dilka loo geeystay Waa nasiib daro ayadoo lagu jiro dib u xureeyn in la abuuro Dagaal beeleed.

Dhanka kale Dadka Wax garad ah ayaa aaminsan in ay falkaan  ka danbeeyaan alshabaab ayagoo doonaya in ay halkaasi  ka abuuraan Xiisad Colaadeed  ayagoo ka Cabsi qaba Si aan dagaal wada jir ah loogu soo qaadin.

Si kastaba ha ahaatee Bulshada Wax garadka ah ee labada Dhinac ayaan marna Runta ka hadal in dadkaan Walaalaha ah in ay kala badbaadiyaan  ma jirto Cid Guul ku gaartay Dhiig Muslim Oo Walaakaa ah Hadana Deris kula ah, Waxaa wanaagsan in uu Caliga shaqeeyo oo Dadka Walaaha ah la dhex dhigo Nabad waarto.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*