
Wargeyska Global Bar Magazine, oo fadhigiisu yahay magaalada Stockholm, ayaa daabacay warbixin uu ka soo xigtay ilo Soomaali ah oo aan la magacaabin, taas oo sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay dalka ka eriday Anna Saleem Högberg, oo ahayd qunsul iyo la-taliye sare oo u qaabilsan dowladda Sweden arrimaha iskaashiga horumarineed ee Soomaaliya.

Warbixinta uu faafiyey wargeysku waxa ay iftiimisay in go’aanka lagu gaaray bishii Maarso ee sanadkan, iyadoo Högberg loo aqoonsaday persona non grata—taasoo ka dhigan in aan dalka laga rabin.
Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wargeyska, sababta cayrinta ayaa lagu sheegay “xiriir aan wanaagsanayn” oo ka dhexeeyey Högberg iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Warbixintu waxa kale oo ay xustay in Högberg lagu eedeeyey “inay sumcad-dil ku samaysay dowladda Soomaaliya.” inkastoo aan la faahfaahin.
Dhanka kale dowladaha Soomaaliya iyo Sweden toona si rasmi ah u xaqiijin warkan, tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa khilaaf diblomaasiyadeed oo dhaawici kara xiriirka labada dal.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag