Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga Degmada Garasbaaley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay in uu si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay toorey.

Dilkan foosha xun ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Garasbaaley, waxaana markiiba howlgal degdeg ah bilaabay ciidamada booliska, kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanaha.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska, Abshir ayaa haatan ku jira xabsiga saldhigga Degmada Garasbaaley, waxaana lagu wargeliyay in dacwadiisa loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.
Sidoo kale Booliska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaannada la xiriira falkaasi, iyagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xakameeyo dambiyada noocan oo kale ah ee kusoo kordhaya magaalada Muqdisho.
Dhacdadan ayaa cabsi iyo dareen murugo leh ku reebtay bulshada deegaanka, iyagoo dalbanaya in cadaaladda si degdeg ah loo horkeeno eedeysanahaasi.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag