
Wararka Laga Helayo tuulada Baay Burjeed oo ku dhow degaanka Daynuunay ee gobolka Baay, ayaa la sheegaya in uu saaka halkaas dagaal uu ku dhexmaray ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab.

Dagaalkaasi waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ay sheegeen in ay dileen in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda.
Sidoo kale, waxaa jira khasaare intaas ka badan, iyada oo weli war rasmi ah laga hayn khasaaraha dhinaca dowladda.
Magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda ayaa bilihii la soo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag